Wikipedia:Maqaal Xul Ah Bogga Hore/Hordhac

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search
  • Waxay ka mid tahay Maqaalka Xulka ah ee Bogga Hore taasoo lagu soo ban dhigayo bogga hore si tira koob ah "Tirada Maqaalada". Hagaaji
  • Marka aad doonto inaad ku kordhiso maqaal xul ah:
  1. Ka soo qaado qoraalka ku jira halkaas adigoo ku shubaya halka ugu dambaysa ee kaydka maqaalada xulka ah ee bogga qaybihiisa hoose.
  2. Raacina magaca maqaalka Template:Maqaal Xul Ah Bogga Hore/Kala Hormarin.
  3. Haddii uu maqaalka ka turjumayo maalin taariiki ah. Raaci maalin munaasab ah halkaan Template:Liiska Munaasabadaha Maqaal Xul Ah Bogga Hore/Kala Hormarin.
  • Tirada Maqaalada Xulka ee hadda ku jira waa "-1" maqaal oo kaliya, dabcan waa laga yaabaa in ku jiraan kuwa kale laakiin farsamo ahaan ma soo bixin.
  • Maqaalka hadda wuxuu tilmaamayaa in uu yahay mika ku jira tirad: 13

Wax ka bedelka qoraalka ee maqaalka hadda

qaarada shanaad ee ugu weyn aduunka

Antarktika (Af-Ingiriis: Antarctica; Af-Carabi: القارة القطبية الجنوبية; loogu dhawaaqo: Listeni/ˈɑrktɪkə/ iyo /ˈɑrtɪkə/) waa qaarada ugu xigta koonfurta Aduunka, taasi oo juquraafi ahaan noqoneysa Cidhifka Koonfureed ee dhulka. Qaarada Antarktika waxay ka mid tahay gobolka Antarktik ee waaxda koonfureed ee dhulka, taasi oo qeyb ka yihiin Iskuwareega Antarktik iyo Bada Koonfureed. Baaxada dhulka Antarktika waa mid aad u balaadhan, waxaana lagu qiyaasay 14.0 milyan kilomitir labo jibaaran (5.4 milyan mayl labo jibaaran), taasi oo ka dhigeysa qaarada shanaad ee ugu weyn aduunka - waxaa ka weyn Afrika, Aasiya, Waqooyiga Ameerika iyo Koonfur Ameerika.

Hadii Antarktika la barbardhigo qaarada Ustareliya weey ku labo laabmaysaa, taasi micnaheedu waa in Ustareliya le'egtahay kala badh Antarktika. Sida la ogyahay ilaa 98% qaarada Antarktika waxaa qariyahay baraf kaasi oo leh dhumuc dhan 1.9 kilomitir (1.2 mayl), kuna fidsan dhamaan deegaanada qaarada marka laga reebo qeybta waqooyi oo kali ah.

Isku celcelis, qaarada Antarktika waa tan ugu qaboow, qalalsan, ee ugu dabaysha badan qaaradaha caalamka oo dhan. Sidoo kale waxay leedahay deegaano badan oo ugu dhaadheer jooga dhulka. Juquraafi ahaan marka laga hadlayo deegaanada Antarktika waxaa lagu tiriyaa lamadegaan (saxare), sababtoo ah waxaa ka da'a roob aad u yar oo mararka qaar ka yar 200 mm (8 in) kaasi oo ku da'a deegaanada xeebaha oo kali ah. Sidoo kale waxaa xusid mudan heerkulka Antarktika, wuxuu inta badan yahay −89 °C (−129 °F), in kastoo marka la iskucelceliyo guud ahaan noqonayso −63 °C (−81 °F).

Dhinaca kale, qaarada Antarktika ma lahan dad si joogto ah ugu dhaqan ama nool deegaanadaadi. Laakiin waxaa wakhtiyo badan oo sanadka ah jooga tiro Saynisyahano iyo cilmibaadhayaal ah oo u dhexeeya 1,000 ilaa 5,000 qof kuwaasi oo ku baahsan dhinacyada qaarada. Noolaha sida dabiiciga ah looga helo qaarada Antarktika waxaa ka mid ah algae, bakteeriya, fungi, xoogaa yar oo dhir ah, brotista, iyo noocyo kooban oo xayawaan ah, sida takfida, qooleeyda, sealska, iyo tardgrade. Dhirta ugu caansan ee laga helo deeganku waa tundra.

Guud ahaan, qaarada Antarktika waa meel aan la kala lahayn (de facto), laakiin waxaa maamula oo gacanta ku haya dowladaha saxeexay "Nidaamka Heshiiska Antarktika". Heshiiskaasi waxaa sanadkii 1959kii saxeexay labo iyo toban wadan, wakhtiyadii ka dambeeyayna waxaa saxeexa ku biiray ilaa 39 wadan kale. Heshiiskaasi wuxuu meesha ka saarayaa in qaarada Antarktika loo isticmaalo siyaabo milatari, in hubka lagu tijaabiyo, in wasakhda hubka lau aaso ama la keeno, in la taageero ajandaha cilmi-baadhista, in macdan laga qoto iyo in la ilaaliyo hawada nadiifta ah ee qaarada. Wadanadii ugu horeeyay waxaa ka mid ah Arjantiina, Ustareliya, Beljimka, Jili, Faransiiska, Jabaan, New Zealand, Norway, Koonfur Afrika, Ruushka, Ingiriiska iyo Maraykanka Cilmibaadhista ka socota qaarada waa mid caalami ah oo ilaa 4,000 aqoon yahay oo caalamka ka kala socda joogaan. (SII AQRI)

Liiska maqaalada la soo ba dhigo

  • Liiska maqaalada oo faahfaahsan ee Boggaan.